Leave site
Skip to content

Af-Soomaali (Somali)

Fadlan xulo hal ka mid ah kuwa hoos ku qoran:

  • La xiriir booliska iyo soo warbixi dembi
  • Waa maxay midab takoorka?
  • Sida loo helo saldhigga booliska ku dhow
  • Sida laga cawdo arrimaha ka dhaco deegaankaaga
  • Aagaha aan daboolno
  • Taloyinka ammaanka markii aad dibedda u baxdo
  • Hub iyo daroogo
  • Isticmaalka waddooyinka

La xiriir booliska iyo soo warbixi dembi

Booliska waxay halkaa u joogaan si ay kuu caawiyaan. Haddii aad dembi dhibbane ka tahay ama u malayso inaad dhibbane ka tahay midab-takoor ama kala sooc, sida ugu dhaqsi badan la xiriir booliska.

HADDII U JIRO XAALAD DEGDEG AH, WAC 999 SI AAD LA HADASHO BOOLISKA, DEBDEMISKA AMA AMBALAANSADA.

Haddii uusan eheen xaalad deg-deg ah, laakin u baahan tahay inaad la hadasho booliska, fadlan soo wac lambarka aan deg-deg eheen ee 101 oo furan 24 saac.

Haddii ay jiraan dembiyo yar o u baahnayn in booliska si deg-deg ah u xalliyo, waxaad ku soo warbixin kartaa boggeena Internetka: www.avonandsomerset.police.uk/contact

Si aan u caawino dadka dhegoolka ah iyo kuwa dhibaato ku qabo hadalka waxaad xittaa nagala so xiriiri karta habka “Typetalk”.

Midab takoorka

Midab-takoorka ama kala sooca waa markii qof loola dhaqmo si ka duwan dadka kale sababahaan awgeeda:

– jinsigooda
– diintooda
– jihada galmadooda
– naafonimadooda

Takoorida wuxuu ahaan karaa af-lagaadayn, dhibaatayn, dagaal, wax-yeello la gaarsiiyey guriga, xoog-sheegasho ama sawirada derbiga.

Haddii aad u malayso inaad dhibbane ka tahay midab-takoorid, fadlan la xiriir boolika adigoo ka wacaayo lambarka kor ku qoran, ama warqad u soo dir: Action on Hate Crime, PO Box 37, Valley Road, Portishead, Bristol, BS20 8QJ, ama si sir ah fariin u soo dir boggeena internetka: www.avonandsomerset.police.uk/contact

Sida loo helo saldhigga booliska kuu dhow

Waxaad heli kartaa goobta iyo saacadaha ay furan yihiin saldhigyadeena booliska, ka eeg boggeena internetka: www.avonandsomerset.police.uk/contact ama soo wac 101. 

Sida laga cawdo arrimaha ka dhaco deegaankaaga

Haddii aad ka welwelsan tahay arrimo ka dhaco deegaankaaga, waxaad cabasho ka samayn kartaa habsocodka Partners and Communities Together (PACT).  Waxaad sidoo kaleba cabasho ka samayn kartaa internetka, adigoo la xiriiraaya kooxdaada ilaalinta deegaanka ama adigoo imaanaaya kullamada laga qabto xaafaddaada sida (Neighbourhood Forums, Safer Stronger Community Groups, PACT iwm. Fadlan ogow in kullamaadan lagu qabto af Ingiriis). Waxaan la shaqeyn doonnaa adiga iyo qoloyinka aan iskaashato la nahay si aan sida ugu fiican u xallino cabashadaada. U booqo www.avonandsomerset.police.uk/your-area si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Aagaha aan daboolno

Booliska Avon iyo Somerset waxay daboolaan magaaloyinka Bristol, Bath iyo Wells, iyo sidoo kaleba miyiga gobolada Somerset iyo Koonfurta Gloucestershire. Agaan waa hal ka mid ah meelaha ugu xiiso baadan dalka UK iyo ugu soo jiidasho badan, iyo sidoo kaleba waa hal ka mid ah kuwa ugu ammaansan.  

Hase-yeeshe, dembiyo way dhici karaan, sidaa awgeeda ilaali ammaankaaga iyo alaabtaada meel ha ku dhaafin haddii uusan joogin qof ilaaliyo. 

Taloyinka ammaanka markii aad dibedda u baxdo

Hubi waqti walba in hantidaada ku hayso meel kuu dhow. Garabkaaga ha ku qaadin alaabo si fudud loo baxsan karo – kani wuxuu gaar ahaan muhiim yahay markaad joogtid meel buux-dhaaf ah sida bas ama waddo ay dadka ku badan yihiin – iyo ka hortag inaad boorso ama alaabo kale ku dhaafto meel uusan joogin qof ilaaliyo.

Haddii aad habeenka dibedda u lugeyneyso, mar meelo iftiin leh iyo iska ilaali markii aad waddada goyneyso, sababtoo ah jihada baabuurta u socdaan wuu ka duwanaan karaa midka aad u baratey. 

Markii aad bas ama tareen raaceyso habeenka, ka hortag inaad tegto saldhigyada ku yaalo meelo fog iyo baska ha ku sugin meel mugdi ah.

Haddii aad raaceyso taksi, waxaad isticmaasha oo kaliya, kuwa leh shati rasmi ah oo soo saarey Dawladda Hoose. Taksiga gudihiisa waxaa ku dhegan shatiga iyo darawalka wuxuu lahaan doonaa kaadh ama bir aqoonsi.  

Hub iyo daroogo

Xasuuso, in dalka UK sharci-darro ka yahay in la sido hub sida middi, buntuq, iyo waa ka duwan yahay dalalka kale ee Yurub sababtoo ah halkaan waa sharci-darro in la isticmaalo bes-beeska la buufiyo (CS spray).

Waa sharci-darro in la sido daroogoyinka sida kannabis, mariyuwana iyo xashiish.

Isticmaalka waddooyinka

Sharciyada baabuur wadidda dalka UK waa kuwo gaar ah, sidaa awgeeda waa muhiim in sii fiican loo baarto.

Waa sharci darro in baabuur la wado ka dib markii khamri la cabo iyo waddoyinka waxaa lagu socdaa xawaare kala duwan.  Waa inaad mar walba haysataa shatigaaga baabuur-wadidda iyo tusiso booliska markii ay kaa codsadaan. Si aad u hesho warar ka badan oo ku saabsan Sharciga Waddoyinka (Highway Code) u booqo bogga internetka www.gov.uk iyo ka eeg qaybta “Socdaalka iyo Gaadiidka”.

Bogga internetka intiisa kale waxaa lagu eegi karaa luqada aad xulato, ayadoo la isticmaalaayo adeeg turjubaan oo otomaatik ah.

Turjubaanta boggeena internetka waxaa si otomatik ah u sameeyo ilo naga baxsan, sidaa awgeeda waxaa suurtogal ah inuu lahaado xoogaa qalad ah. Fadlan dib u eeg in turjubaanta sax yahay ka hor intii aadan raacin talada sharciyeed.

sii wadi

Page feedback
Was this page useful? *
What best describes the reason for your visit today?